Messi Xitaa Tobanka Sare Kuma Jiro! Liiska 10-ka Xiddig Ee Ugu Goolasha Badan 2026

Kooxaha Barcelona, Bayern Munich, Al-Ahli iyo Dinamo Zagreb ayaa ka mid ah naadiyada ay ka tirsan yihiin 10-ka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan kubadda cagta adduunka sanadka 2026.

Liiskan waxaa ku jira magacyo caan ah oo waa weyn iyo weeraryahanno halis ah oo ka ciyaara horyaallo aan aad loo aqoon, iyadoo ciyaartoy aan la filayn ay ka goolal bateen qaar ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn Yurub. Lionel Messi ayaa sanadka 2026 u dhaliyay Inter Miami 30 gool, balse wuxuu farqi yar ku seegay liiska tobanka sare.

Halkan waxaa ku qoran 10-ka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan heerka kooxaha adduunka sanadkan 2026, dhammaan tartamada oo dhan:

10. Raphinha – 33 gool

Xiddigan u dhashay dalka Brazil ayaa wax yar ka horreeya weeraryahanka reer Colombia ee kooxda Sporting, Luis Suarez, kaas oo isaguna dhaliyay 33 gool balse ciyaaray in ka badan sagaal kulan Raphinha. Xiddiga Barcelona ayaa 33 gool ku dhaliyay 33 kulan oo kaliya sanadkan 2026, waana mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee kaliya ee ka tirsan shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub ee liiskan ku jira, isagoo ka horreeya Erling Haaland iyo Kylian Mbappe. Wuxuu celcelis ahaan gool dhaliyaa 70-kii daqiiqaba mar.

9. Pa Ousman Gai – 33 gool

Xiddiga Khadkan dhexe ee u dhashay dalka Gambia ayaa leh celceliska ugu fiican liiskan, isagoo gool dhaliyay 60-kii daqiiqaba mar sanadkan 2026. Wuxuu ahaa gooldhaliyihii ugu sarreeyay horyaalka Philippines xilli-ciyaareedkii hore isagoo kooxda Manila Digger u qaaday horyaalka, ka hor inta uusan xagaagii ku biirin kooxda Visakha ee dalka Cambodia.

8. Chrigor Moraes – 34 gool

Weeraryahankan reer Brazil ee ka soo baxay nidaamka Red Bull una soo ciyaaray kooxda Bragantino iyo toddoba kooxood oo kale oo Brazil ah, ayaa sanadkii 2024 u wareegay Thailand. Haatan wuxuu u ciyaaraa kooxda Selangor ee dalka Malaysia, isagoo u dhaliyay 34 gool 33 kulan oo kaliya sanadkan 2026.

7. Bergson – 34 gool

Ka dib markii uu amaah gaaban ku soo maray Kuuriyada Koonfureed iyo Portugal, Bergson wuxuu deggenaansho ka helay kooxda weyn ee dalka Malaysia ee Johor Darul Ta’zim tan iyo markii uu ku biiray 2021-kii. Wuxuu u dhaliyay 203 gool 200 kulan oo uu u saftay kooxdaas, iyadoo 34 ka mid ah uu dhaliyay sanadkan 2026. FIFA ayaa dhowaan u ogolaatay inuu u ciyaaro xulka Malaysia, wuxuuna durba saddexley ka dhaliyay Singapore.

6. Julian Quinones – 36 gool

Xiddigan reer Mexico ee 29 jirka ah oo ka mid ahaa musharraxiintii lama filaanka ahayd ee Ballon d’Or 2026, ayaa xilli-ciyaareedkii hore ku guuleystay kabta dahabka ah ee horyaalka Sucuudiga, isagoo shan gool ka sarreeyay Cristiano Ronaldo. Sanadkan wuxuu kooxdiisa Al-Qadsiah u dhaliyay 36 gool.

5. Kevin Torres – 36 gool

23 jirkan u dhashay Puerto Rico ayaa dhowaan ku biiray kooxda DS Edusoccer ka dib markii uu goolal waalli ah u dhaliyay Academia Quintana. Waxaa goolashiisa si weyn u caawiyay toddoba gool oo uu hal kulan ka dhaliyay ciyaar ay 18-1 kaga badiyeen FC Mayaguez.

4. Fernando Zampedri – 39 gool

Waa ciyaaryahanka ugu da’da weyn liiskan, wuxuuna jiraa 38 sano. Zampedri oo ku dhashay Argentina balse u ciyaara xulka Chile, ayaa kooxdiisa Universidad Catolica u qaaday laba horyaal, wuxuuna ku guuleystay kabta dahabka ah lixdii xilli-ciyaareed ee u dambeeyay, isagoo ku dhow inuu markii toddobaad qaado sanadkan 2026.

3. Harry Kane – 41 gool

Kabtanka xulka England iyo weeraryahanka Bayern Munich ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaallada waaweyn ee Yurub sanadka 2026, isagoo muujiyay inuu si buuxda ugu qalmay abaalmarinta Ballon d’Or ee uu ku guuleystay.

2. Ivan Toney – 42 gool

Si lama filaan ah, Kane ma aha ciyaaryahanka reer England ee ugu goolasha badan heerka kooxaha sanadkan. Toney ayaa xilli-ciyaareedkan si xooggan ku bilowday horyaalka Sucuudiga isagoo Al-Ahli u dhaliyay 13 gool sagaal kulan oo kaliya, taas oo tirada goolashiisa sanadka 2026 ka dhigaysa 42 gool. Waxaa jirta fursad weyn oo uu liiskan hoggaanka ugu qaban karo ka hor dhammaadka sanadka.

1. Dion Beljo – 46 gool

Hoggaamiyaha liiskan waa 24 jirka u dhashay dalka Croatia ee u ciyaara kooxda Dinamo Zagreb. Inkastoo uusan wacdaro ka dhigin horyaalka Bundesliga xilligii uu joogay Augsburg, haddana wuxuu noqday mashiin gool-dhalineed tan iyo markii uu dalkiisa ku laabtay 2025-kii. Xilli-ciyaareedkiisii hore wuxuu dhaliyay 38 gool, sanadkan 2026-na wuxuu marayaa 46 gool, isagoo dhowaan shabaqa ka soo taabtay Sunderland tartanka Europa League, waxaana lala xiriirinayaa kooxo ay ka mid tahay Leeds United.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular