Daaficii hore ee kooxda Liverpool, Jamie Carragher, ayaa maamulka naadiga ku boorriyay inay galaan suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, isagoo ku adkeystay inay la soo wareegaan ciyaartoyda ku habboon halkii ay sugi lahaayeen ilaa suuqa xagaaga.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Fan Debate, Carragher ayaa farta ku fiiqay in boosaska daafaca bidix iyo khadka dhexe ay yihiin meelaha u baahan xoojinta ee kooxda tababare Andoni Iraola.
“Haddii la heli karo daafac bidix, waa inay u dhaqaaqaan oo ay soo xero-geliyaan bisha Janaayo. Ama ciyaaryahan khadka dhexe ah oo leh tayo gaar ah,” ayuu yiri Carragher.
Wuxuu sidoo kale xusay in soo laabashada weeraryahanka Hugo Ekitike ay kooxda siin doonto dookh kale oo weerarka ah oo garab socda Alexander Isak.
Liverpool ayaa xilli-ciyaareedkan la dhibtootay dhaawacyo dhanka daafaca midig ah, halka tartan la’aanta booska daafaca bidix ee Milos Kerkez ay weli tahay walaac kale oo haysta kooxda.