Xiddiga khadka dhexe ee Wataru Endo ayaa la filayaa inuu si xor ah uga tago kooxda Liverpool xagaaga soo socda, xilli Iraola uu sii wado dib-u-qaabaynta safkiisa, sida uu sheegay wariye James Pearce.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Walk On podcast, Pearce ayaa yiri: “Waa lama huraan in Wataru Endo uu si bilaash ah uga tago Liverpool xagaaga soo socda.”
Ciyaaryahankan heerka caalami ee u dhashay dalka Japan ayaa ka baxay qorshaha kooxda koowaad, isagoo saftay kaliya 12 kulan xilli-ciyaareedkii hore, halka uusan wax kulan ah ciyaarin ololahan. Waxaa sidoo kale laga reebay liiska ciyaartoyda Liverpool ee u diiwaangashan tartanka Champions League.
Endo ayaa sanadkii 2023 kaga soo biiray Reds kooxda Stuttgart, wuxuuna u saftay Reds 87 kulan, isagoo kula guuleystay koobabka Premier League iyo League Cup muddadii uu ku sugnaa garoonka Anfield.