Xulalka Ilaa Hadda U Soo Baxay Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2027.

Xulalka qaranka ee Senegal iyo Morocco ayaa habeenkii Talaadada noqday kooxihii ugu dambeeyay ee xaqiijiya u soo bixista Koobka Qaramada Afrika (AFCON) ee 2027.

Guushii 1-0 ahayd ee ay Mozambique ka gaartay Itoobiya ayaa u horseeday kaalmaha sare ee Guruubka J, taas oo ka dhigan in xulka Senegal oo leh 10 dhibcood uu si rasmi ah ugu gudbay tartanka xilli ay weli harsan yihiin laba wareeg oo ciyaaro ah.

Dhanka kale, xulka Morocco ayaa booskiisa tartanka sanadka soo socda xaqiijistay ka dib guul dirqi ah oo 1-0 ah oo ay ka gaareen dhiggooda Niger, iyadoo goolka keliya ee guusha uu daqiiqaddii 22-aad u dhaliyay Abdellah Ouazane.

Senegal iyo Morocco ayaa ku biiray xulka Benin oo ah dalalka isreeb-reebka uga soo baxay tartanka ilaa hadda, marka laga reego saddexda waddan ee martigelinaya koobka ee Uganda, Tanzania iyo Kenya oo iyagu horay u haystay tikit-ka tooska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular