Xulalka Ilaa Hadda U Soo Gudbay Wareegga Siddeed Dhammaadka Tartanka UEFA Nations League.

Xulka qaranka Norway ayaa noqday kooxdii ugu dambeysay ee u soo baxda wareegga siddeed-dhammaadka ee tartanka UEFA Nations League.

Erling Haaland ayaa dhaliyay rigoore waqtigii dhimashada ee ciyaarta si uu xulkiisa ugu xaqiijiyo guul dirqi ah oo 3-2 ah habeenkii Talaadada. Xulka martida loo ahaa ee Denmark ayaa ciyaarta ku bilaabay dardar xooggan iyagoo laba gool oo degdeg ah ka helay Rasmus Hojlund iyo Pierre-Emile Hojbjerg.

Si kastaba ha ahaatee, Haaland ayaa gool soo celiyay ka hor dhammaadka qaybtii hore ee ciyaarta, ka dibna kabtan Martin Odegaard ayaa goolka barbaraha dhaliyay daqiiqaddii 83-aad.

Daafaca Joachim Andersen ayaa lagu ganaaxay kubbad gacanta kaga dhacday daqiiqadihii ugu dambeeyay ee waqtiga dheeraadka ah, taas oo u sahashay Haaland inuu shabaqa ku hubsado rigoorada guusha.

Norway ayaa sidaas ugu biirtay xulalka France, Belgium, Germany, Netherlands, England, Spain iyo Portugal oo dhammaantood xaqiijistay booskooda wareegga siddeed-dhammaadka ee tartanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular