Halyeeygii hore ee kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa magacaabay lix ciyaaryahan oo ay tahay in tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino uu iska iibiyo xagaaga soo socda, xilli macallinka reer Argentina uu si rasmi ah ula wareegayo shaqada kooxda 18-ka Noofambar ka dib markii la cayriyay Michael Carrick.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Daily, Neville ayaa sheegay in wejiga koowaad ee nadiifinta kooxda xagaaga soo socda ay tahay in lagu diro Lisandro Martinez, Matthijs de Ligt, Noussair Mazraoui, Mason Mount, Marcus Rashford iyo Joshua Zirkzee. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in daafaca da’da yar ee Ayden Heaven amaah loogu diro horyaalka Championship-ka si uu khibrad u soo kororsado, isagoo ku adkeystay in Pochettino uusan oggolaan in wax ciyaaryahan ah uu baxo bisha Janaayo ilaa laga gaarayo bisha Juun.
Neville ayaa intaas ku daray in sanad ka dib loo baahan doono weji labaad oo lagu fasaxayo Luke Shaw, Harry Maguire, Diogo Dalot iyo kabtan Bruno Fernandes, halka waqtigaas sidoo kale go’aan laga gaari doono mustaqbalka saxiixyadii xagaagii hore ee Carlos Baleba iyo Youri Tielemans, maadaama dib-u-dhiska kooxdu uu qaadan karo laba ilaa saddex xilli-ciyaareed.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ugu hadal-haynta badan ee Neville ayaa noqday difaacidda uu u sameeyay Diogo Dalot, kaas oo dhowaanahan ay ku maadsanayeen taageerayaasha Old Trafford ka dib bandhigyo liita.
Neville ayaa xusay inuu la yaabay qaylada taageerayaasha, isagoo ku dooday in xiddigan reer Portugal uu mar walba u huro naftiisa kooxda xitaa markii tababarihii hore ee Ruben Amorim uu muddo saddex bilood ah ka ciyaarsiinayay garabka bidix ee daafaca. Wuxuu ku adkeystay in Dalot uu si fiican uga ciyaari karo shaxda afar daafac, isla markaana ay tahay in Martinez, De Ligt iyo Mazraoui la diro ka hor inta aan isaga la taaban.