Tababarihii hore ee xulka qaranka Netherlands, Ronald Koeman, ayaa u magacaabay kooxda Barcelona inay tahay midda ugu cadcad ee ku guuleysan karta labada koob ee UEFA Champions League iyo horyaalka La Liga xilli-ciyaareedkan.
Koeman ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad samafal oo lagu qabtay garoonka Barcelona Golf Club, isagoo ku tilmaamay kooxdiisii hore mid aad u xooggan.
“Waxaan u arkaa Barca mid awood badan; waxay haystaan koox weyn iyo tababare cajiib ah. Barca waa kooxda ugu cadcad hanashada La Liga, balse Champions League waa sheeko kale,” ayuu yiri macallinkan reer Holland.
Wuxuu intaas ku daray: “Marka la gaaro wareegyada bug-baxa, waxaad la kulmi kartaa habeen adag, laakiin weli iyaga ayaa ugu cadcad.”
Barcelona ayaa kulankeeda ugu horreeya ee ka dib fasaxa xulalka qaranka la ciyaari doonta kooxda Villarreal 22-ka bisha Nofeembar, ka hor inta aysan u safrin dalka Azerbaijan si ay tartanka Champions League ugu soo wajahdo kooxda Sabah.
Kooxda reer Catalonia ayaa xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay horyaalka La Liga, balse waxay ku fashilantay hanashada Champions League ka dib markii kooxda Paris Saint-Germain ay koobkaas qaadday markii labaad oo xiriir ah.