Tababarihii hore ee kooxda Manchester United, Michael Carrick, ayaa warqad furan u qoray taageerayaasha kooxda, maalin uun ka dib markii shaqada laga cayriyay, isla maalintaas oo ay kooxdu ku dhawaaqday in Mauricio Pochettino lagu beddelay.
Macallinkan 45 jirka ah ayaa uga mahadceliyay taageerayaasha garab istaaggooda, isagoo sidoo kale ammaanay shaqaalaha garoonka Old Trafford iyo ciyaartoyda.
Warqadda oo dhammaystiran ayaa u qornayd sidan:
Taageerayaasha qaaliga ah ee United,
Waxaan nasiib weyn u yeeshay inaan hoggaamiyo Manchester United, oo ah koox kubadda cagta oo aan jeclahay. Waa wax aad u yar dadka fursadda u hela inay ku noolaadaan oo ay dareemaan arrintaas, taasna aad ayaan ugu mahadcelinayaa.
Arrintaas waxaa la socota mas’uuliyad aad u weyn, si aad u joogto Manchester United-na, waxaad u baahan tahay inaad si dhab ah u fahamto micnaha ay leedahay. Way ka duwan tahay meel kasta oo kale. Ugu dambeyn, waa inaad ku dadaashaa sidii aad u noqon lahayd kan ugu fiican, balse waxaa jira dhaqan, qiyam iyo dabeecado ay tahay inaad ku noolaato oo aad ixtiraamto, kuwaas oo la dhisayay muddo dheer. Waa koox gaar ah, lehna miisaan iyo taariikh aan la iska indhatiri karin. Tani waa waxa maalin kasta ii ahaa dhiirrigelinta.
Waxaan rabaa inaan mahadcelin weyn u jeediyo taageerayaasha. Waa inaan dhaho, waxaad tihiin dad gaar ah oo naadir ah. Waxaan sanadkan soo wada qaadanay waqtiyo aad u wanaagsan iyo xusuuso aan dhammaanteen xasuusan doonno. Waxa ugu fiican ee booskayga aan ku haystay waxay ahayd inaan arko qaar badan oo idinka mid ah oo ku milmaya dareenka waqtiyadaas, iyagoo garoonka ka baxaya oo aad uguxiiso qaba inay mar kale soo laabtaan. Waxaan rabay oo keliya inaan wax idiin celiyo. Jacaylkaasi weligiis ma dhinto.
Waan ogahay inaanan helin natiijooyin fiican beryahan dambe, laakiin waxaad ii muujiseen jacayl iyo taageero keliya waqtiyo ay waxa ugu fudud, ee inta badan dadku sameeyaan, ay ahaan lahayd inay dhabarka ii jeediyaan. Taasi waxay iiga micno badan tahay hal ama laba guul. Taasi waa waxa idinka dhigaya cidda aad tihiin, waana sababta aan u jeclaaday kooxdan sanado badan ka hor.
Mahadcelin gaar ah waxaan u dirayaa shaqaalahayga tababarka. Waxaad ii muujiseen wax kasta oo aad awoodeen, wax intaas ka badanna ma aanan dalban karin. Aad ayaan idiinkaga mahadcelinayaa daacadnimadiinna, shaqada adag iyo taageerada aad mar walba ii muujiseen.
Dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya daaha gadaashiisa, waad ku mahadsan tihiin wax kasta oo aad u qabataan kooxdan kubadda cagta. Inta badan shaqadiinna lama arko, laakiin weligeed ma noqoto mid aan la qaddarin.
Ciyaartoydana, waad ku mahadsan tihiin dadaalkiinna iyo waqtiyadii aan soo wadaagnay. Waxaan idiin rajeynayaa mustaqbal fiican.
Wax aan guul ahayn uma rabo Manchester United. Kooxdani waxay qayb weyn ka ahayd noloshayda, taasina weligeed isma beddeli doonto. Mar walba waan ku faani doonaa inaan kaalintayda ka qaatay, mar walbana waxaan u rabi doonaa waxa ugu wanaagsan.
Hadda laga bilaabo garabkiinna ayaan ahaan doonaa, anigoo idinka daawanaya bannaanka garoonka.