Daaficii hore ee xulka England iyo kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa ku tilmaamay qaabkii ay maamulka United u maareeyeen cayrinta tababare Michael Carrick mid “laga yaqyaqsoodo”, isagoo sheegay in dhaqanka kooxdu uu aad uga hooseeyay heerka laga filayo ganacsi ama shirkad kasta.
Neville ayaa hadalkan jeediyay ka dib markii Khamiistii shaqada laga eryay Carrick, iyadoo Mauricio Pochettino loo diyaariyay inuu noqdo tababaraha kooxda Old Trafford.
Isagoo ka hadlayay shabakadda Sky Sports News, Neville ayaa si kulul u dhaliilay waqtiga iyo qaabka uu go’aanku u dhacay. Wuxuu ku tilmaamay wax laga xishoodo in madaxda sare iyo milkiilayaasha kooxdu ay ku sugnaayeen magaalada Monaco xilli halyeeyga kooxdu uu bixinayay tababarka, isla markaana ay United si qarsoodi ah wadahadallo ugula jirtay Xiriirka Kubadda Cagta ee Mareykanka si ay ula soo wareegaan Pochettino.
“Waa arrin si weyn looga yaqyaqsoodo. Tani waxay aad uga hooseysaa heerka laga filan karo ganacsi kasta ama warshad kasta oo kale,” ayuu yiri Neville.