Kooxda Arsenal ayaa qorsheynaysa inay suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo mudnaanta koowaad siiso la soo wareegista ciyaaryahan ka ciyaara garabka bidix ee weerarka, halkii ay soo iibsan lahaayeen weeraryahan toos ah, sida uu sheegay wariye David Ornstein oo ka tirsan shabakadda The Athletic.
Maamulka kooxda Gunners ayaa doonaya inay xoojiyaan safkooda weerarka, waxayna qireen inay u baahan karaan dhowr saxiix oo cusub.
Si kastaba ha ahaatee, keenista garab bidix oo cusub ayaa ah ahmiyadda ugu weyn ee kooxda, inkastoo Christos Tzolis uu horumar fiican sameeyay tan iyo markii uu xagaagii hore ku soo biiray Arsenal.
Dhanka kale, Ornstein ayaa intaas ku daray in qorshaha lagu soo iibsanayo weeraryahan lambarka 9-aad ah dib loo dhigi karo ilaa xagaaga soo socda ama xitaa waqti ka sii dambeeya.
Kooxda Arsenal ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lala xiriirinayay dhowr weeraryahan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin garabka kooxda RB Leipzig ee Antonio Nusa, weeraryahanka Bournemouth ee Eli Junior Kroupi, iyo xiddiga Real Madrid ee Endrick.