Bruno Fernandes Oo Go’aan Adag Qaatay, Pochettino Oo Laga Sugayo Jawaab

Kabtan kooxda Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay kooxdiisa kadib ceydhintii Carrick.

Sida ay qortay shabakadda The Athletic, tani waa markii labaad oo uu Xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal ku gacan-sayro dalab qandaraas kordhin ah oo kaga yimid dhanka maamulka kooxda.

Fernandes ayaa xagaagii hore si weyn loola xiriirinayay inuu u wareegayo horyaalka dalka Sacuudiga, balse wuxuu xilligaas go’aansaday inuu baaqi ku sii ahaado garoonka Old Trafford.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka ayaan si fiican ku bilaaban xilli-ciyaareedkan, iyadoo qaab-ciyaareedka liita ee kooxdu uu ugu dambeyntii sababay in shaqada laga cayriyo tababare Michael Carrick.

Mauricio Pochettino ayaa haatan la filayaa inuu maalmaha soo socda si rasmi ah ula wareego shaqada tababarenimo ee United. Waxayna u muuqataa in mid ka mid ah shaqooyinkiisa ugu horreeya ee ugu adag ay noqon doonto sidii uu Fernandes ugu qancin lahaa inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Red Devils.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular