Kooxda Arsenal ayaa weli si weyn u danaynaysa saxiixa garabka weerarka ee Real Madrid, Vinicius Jr, waxayna xiriir dhow la leeyihiin wakiilkiisa.
Laacibkan reer Brazil ayaa si fiican uga warqaba qorshaha kooxda Gunners, mashruucooda mustaqbalka iyo dalabka lacageed ee ay u diyaariyeen.
Si kastaba ha ahaatee, dookha koowaad ee Vinicius ayaa weli ah inuu baaqi ku sii ahaado kooxda Real Madrid. Balse wuxuu ka fiirsan karaa inuu u wareego Arsenal xagaaga soo socda haddii uu dareemo inuusan helayn waqti ciyaareed oo ku filan ama uu lumiyo booskiisii joogtada ahaa.
Sida uu qoray wargeyska Marca, Vinicius ayaa durbaba lumiyay booskiisa koowaad ee kooxda uu hoggaamiyo tababare Jose Mourinho. Intii uu Vinicius ku maqnaa ganaax saddex kulan ah dhawaan, xiddiga lagu magacaabo Yan Diomande ayaa buuxiyay booskiisa, isagoo soo bandhigay qaab-ciyaareed aad u cajiib ah oo soo jiitay indhaha tababaraha.