Gary Neville Oo Magacaabay Kooxda Ugu Daafac Xun Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

Daaficii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in kooxdiisii hore ay haatan leedahay daafaca ugu liita horyaalka Premier League.

Neville ayaa hadalkan ka sheegay barnaamijka caanka ah ee Stick To Football, xilli ay United ku jirto xaalad aad u adag.

Kooxda Red Devils ayaa gashay fasaxa xulalka qaranka ee bisha Nofeembar iyagoo fadhiya kaalinta 18-aad ee kala sarreynta horyaalka ka dib 10 kulan oo ay ciyaareen. Waxay badiyeen hal kulan oo keliya, iyagoo dhaliyay 14 gool balse laga dhaliyay 19 gool.

Isagoo si gaar ah u dhaliilaya afarta daafac ee dambe ayuu Neville yiri: “Dorgu oo ka ciyaaraya daafaca bidix, Mazraoui oo taagan daafaca midig, halka Leny Yoro iyo Ayden Heaven ay yihiin labada daafac ee dhexe. Shaki la’aan kuwaasi waa afarta daafac ee ugu liita horyaalka Premier League.”

Dhanka kale, Manchester United ayaa haatan qarka u saaran inay shaqada ka cayriso tababare Michael Carrick, iyadoo Mauricio Pochettino uu diyaar u yahay inuu la wareego maamulka garoonka Old Trafford.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular