Khadkii dhexe ee hore ee xulka Faransiiska iyo Manchester United, Morgan Schneiderlin, ayaa magacaabay laba ciyaaryahan oo uu aaminsan yahay inay si weyn uga dhex muuqan doonaan kooxda marka uu Mauricio Pochettino la wareego shaqada tababarenimo.
Pochettino ayaa heshiis afka ah la gaaray maamulka Manchester United si uu u noqdo macallinka cusub ee kooxda marka ay iska fasaxaan Michael Carrick. Kooxda Red Devils ayaa doonaysa inay macallinkan reer Argentina keento garoonka Old Trafford ka hor inta uusan bilaaban qaybta labaad ee xilli-ciyaareedka.
Isagoo la hadlayay shabakadda ComeOn, Schneiderlin ayaa sheegay in Pochettino uu marka hore la qabsan doono ciyaartoyda uu haatan haysto ilaa laga gaarayo suuqa bisha Janaayo.
“Ma ahan tababare jecel inuu gadaal iska fariisto oo uu daafac galo, balse khadka dhexe oo ay joogaan ciyaartoy sida Carlos Baleba iyo Kobbie Mainoo, waan hubaa inay si weyn u iftiimi doonaan marka uu isagu maamulo,” ayuu yiri Schneiderlin.
Tababarahan 54 jirka ah ayaa haatan maamula xulka qaranka ragga ee dalka Mareykanka, isagoo horay khibrad fiican ugu soo yeeshay horyaalka Premier League waqtigii uu joogay kooxda Tottenham Hotspur.