Halyeeygii hore ee kooxda Manchester United, Paul Scholes, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo magacaabista Mauricio Pochettino, isagoo sidoo kale kula taliyay macallinkan inuu iska indhatiro laba ka mid ah madaxda kooxda marka ay timaado dhanka suuqa kala iibsiga.
Scholes ayaa aaminsan in Pochettino uu yahay macallin aad u fiican oo ku habboon United, balse wuxuu ka cabsi qabaa in kooxdu ay la soo wareegtay xilli uu soo dhaafay waqtigiisii ugu fiicnaa ee uu ku soo qaatay kooxaha Southampton iyo Tottenham.
Wuxuu kula taliyay Pochettino inuu si buuxda ula wareego maamulka kooxda sidii Sir Alex Ferguson oo kale, isla markaana uu iska ilaawo agaasimayaasha kala ah Jason Wilcox iyo Omar Berrada, isagoo ku adkeystay in tababaruhu uu isagu soo xusho ciyaartoyda uu doonayo.
Dhanka kale, Scholes ayaa qiray in la gaaray waqtigii saxda ahaa ee la cayrin lahaa saaxiibkiisii hore ee Michael Carrick ka dib markii uu badiyay hal kulan oo keliya 10-kii ciyaarood ee horyaalka.
Ugu dambeyn, wuxuu ku dhaliilay Carrick, Berrada iyo Wilcox inaysan go’aan adag ka qaadan sidii ay xagaagii hore kooxda uga saari lahaayeen ciyaartoyda aan tayada lahayn.