Rio Ferdinand Oo Farta Ku Fiiqay Waxa Ugu Muhiimsan Ee United Uga Baahan Tahay Tababaraheeda Cusub

Halyeeygii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ammaanay sifooyinka gaarka ah ee Mauricio Pochettino, isagoo tilmaamay furaha ugu muhiimsan ee uu dib ugu dhisi karo kooxda.

Inkastoo Eddie Howe iyo Julian Nagelsmann horey loo saadaalinayay, Pochettino ayaa haatan heshiis buuxa la gaaray United si uu u beddelo Michael Carrick ka hor kulanka adag ee Liverpool. Maamulka sare ee kooxda ayaa ku shiray Monaco si ay u meel-mariyaan go’aanka lagu cayrinayo Carrick.

Ferdinand oo ka hadlayay kanaalkiisa YouTube ayaa sheegay in awoodda ugu weyn ee Pochettino ay tahay sida wanaagsan ee uu ula dhaqmo ciyaartoyda iyo dhisidda kalsoonidooda, maadaama United ay haatan ka buuxaan xiddigo niyad-jabsan.

Wuxuu xusay in macallinkan reer Argentina uu khibrad weyn u leeyahay maamulidda xiddigaha waaweyn kadib waqtigii uu ku soo qaatay Tottenham iyo PSG.

Sida uu qabo Ferdinand, furaha guusha Pochettino waa inuu soo celiyo niyadda iyo midnimada kooxda oo haatan aad u hooseysa. Wuxuu intaas ku daray in Pochettino looga baahan yahay inuu dib u dhiso maskaxda ciyaartoyda ay dhaawaceen guuldarooyinka joogtada ah, si kooxdu ay mar kale ugu soo laabato tartanka Champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular