Liverpool Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaartay Xiddig Ay Chelsea Ku Fashilmatay Saxiixiisa

Kooxda Liverpool ayaa heshiis hordhac ah la gaartay Xiddiga khadka dhexe ee kooxda AS Monaco, Lamine Camara, si uu bisha Janaayo ugu soo biiro kooxda, sida ay wararku sheegayaan.

Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta 70-ka milyan ee yuro (£58.5 milyan) oo ay Monaco ku dooneyso 22-jirkan u dhashay dalka Senegal.

Camara ayaa xagaagii hore ku dhawaaday inuu 55 milyan oo yuro ugu biiro Chelsea, balse heshiiskaas ayaa buray daqiiqadihii u dambeeyay, taas oo fursad siisay Liverpool, iyadoo dhanka kale kooxda Chelsea ay haatan isha ku hayso Alex Scott oo u ciyaara Bournemouth.

Sida ay sheegtay shabakadda TEAMtalk, dhaawacyada soo gaaray xiddigaha kala ah Dominik Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch ayaa ku riixaya Liverpool inay si degdeg ah u dedejiso saxiixan cusub.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Liverpool ay bishii Oktoobar la xiriirtay wakiillada ciyaaryahanka, waxaana la xaqiijiyay in kooxda AS Monaco ay ogolaan doonto bixitaankiisa suuqa jiilaalka ee bisha Janaayo haddii gabi ahaanba la bixiyo lacagta ay dalbatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular