Viktor Gyokeres Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Arsenal

Weeraryahanka kooxda Arsenal, Viktor Gyokeres, ayaa beeniyay wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu bisha Janaayo ka tagayo kooxda, isagoo ku adkeystay inuu doonayo inuu sii joogo garoonka Emirates.

Xiddigan 28 jirka ah oo u warramayay warbaahinta dalkiisa Iswiidhan (Sweden) xilli uu ku jiro waajibaadka xulkiisa qaranka, ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Arsenal markii wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa.

Gyokeres ayaa ku dhibtoonayay inuu si joogto ah ugu soo bilowdo kulamada horyaalka Premier League ee uu hoggaamiyo tababare Mikel Arteta, iyadoo inta badan weerarka la doorbido Kai Havertz. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu dhawaan dhaliyay gool, mid kalena wuu caawiyay kulankii ay Arsenal 2-1 kaga badisay kooxda Slavia Prague tartanka Champions League.

Laacibkan reer Sweden ayaa sidoo kale sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo tababare Arteta, isagoo xusay inay si joogto ah uga wada hadlaan arrimaha kubadda cagta iyo waajibaadkiisa dhanka xeeladaha garoonka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular