Paul Merson Oo Shaaciyay Dhibaatada Dhabta Ee Manchester United; Ma Ahan Carrick

Paul Merson ayaa aaminsan in siyaasadda suuqa kala iibsiga ee Manchester United ay sabab u tahay bilowgii ugu xumaa ee kooxda, balse aan eedda dusha laga saarin tababare Michael Carrick.

United ayaa heshay kaliya 8 dhibcood 10-kii kulan ee ugu horreeyay Premier League, taas oo keentay inay galaan kaalmaha horyaalka looga haro, cadaadis weynna saartay Carrick.

“Kuma eedeyn karo tababaraha. Mar walba tababarayaasha ayay iska beddelaan, balse natiijadu waa isku mid,” ayuu Merson u sheegay shabakadda Sky Sports.

Halyeeygii hore ee Arsenal ayaa ku dhaleeceeyay United inay suuqa uga horreysiiyeen weeraryahanno, halkii ay ahayd inay marka hore dhistaan daafaca iyo khadka dhexe.

“Waxay ahayd inay marka hore daafacyo la soo wareegaan. Guri aan aas-aas lahayn kor kama dhisi kartid. Waa inaad haysataa daafac adag, iyaguna taas ma aysan samayn,” ayuu raaciyay Merson.

Ugu dambeyn, Merson ayaa xusay inuu aad ula yaabi doono haddii ay United shaqada ka cayriso Carrick, inkastoo Mauricio Pochettino uu haatan u muuqdo macallinka beddeli doona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular