Jamie Redknapp Oo Kashifay Kooxda Keliya Ee Arsenal Kula Tartami Karta Horyaalka Xilli Ciyaareed Kaan; Ma Ahan Man City

Halyeeygii hore ee xulka Ingiriiska, Jamie Redknapp, ayaa u xushay kooxda Brighton inay tahay naadiga keliya ee Arsenal kula loollami kara hanashada horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, balse wuxuu aaminsan yahay in Gunners ay si fudud ku qaadi doonto koobka.

Arsenal ayaa Sabtidii lix dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka ka dib markii ay 1-0 uga adkaatay Hull City, halka Manchester City ay guul-darro 3-1 ah kala kulantay Nottingham Forest, taas oo ahayd guul-darradii saddexaad oo xiriir ah oo ka soo gaarta horyaalka. Brighton ayaa dhaafi doonta City oo soo geli doonta kaalinta labaad haddii ay Axadda ka adkaato Brentford.

Redknapp oo la hadlayay Sky Sports ayaa sheegay in City ay tabayso Semenyo oo door weyn ku lahaa garabka, inkastoo ay weli haystaan ciyaartoy kale oo halis abuurta.

Isagoo ka hadlaya loollanka horyaalka ayuu yiri: “Guul-darradan maanta aad ayay u xanuun badan tahay, waxayna ku siinaysaa dareen ah yaa la tartami kara Arsenal haatan? Anigu ma arko cid la tartami karta. Haddii aad eegto kala-sarreynta horyaalka, kooxda keliya ee aad farta ku fiiqi karto haatan oo aanan marnaba filayn inaan bilowgii sanadka dhihi lahaa wey la tartami kartaa Gunners, waa Brighton.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular