Kai Havertz Oo Noqday Jarmalkii Ugu Goolasha Badnaa Taariikhda Premier League

Kai Havertz ayaa taariikh cusub sameeyay kaddib markii uu Arsenal gool u dhaliyay kulanka Liverpool ee hadda ka socda garoonka Anfield.

Weeraryahanka reer Jarmal ayaa shabaqa soo taabtay qeybtii hore ee ciyaarta, isagoo Arsenal hoggaanka u dhiibay kaddib markii uu si wanaagsan uga faa’iideystay fursaddii uu helay.

Goolkaasi wuxuu Havertz u ahaa kii 46-aad ee uu ka dhaliyo Premier League, taasoo ka dhigtay ciyaaryahanka reer Jarmal ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka.

Wuxuu sidaas ku dhaafay Ilkay Gündogan oo horay u dhaliyay 45 gool, isagoo noqday Jarmalkii ugu goolasha badnaa ee abid ka ciyaara horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular