Ian Wright, Gary Neville Iyo Roy Keane Oo Saadaaliyay Natiijada Kulanka Liverpool Iyo Arsenal

Falanqeeyayaal caan ah oo kubadda cagta Ingiriiska ah ayaa saadaashooda ka dhiibtay kulanka weyn ee Premier League ee u dhexeeya Liverpool iyo Arsenal, kaasoo caawa ka dhacaya garoonka Anfield.

Arsenal ayaa kulankan u 0safreysa iyadoo fursad u haysata inay hoggaanka horyaalka qabato, kaddib markii Manchester City Sabtidii 1-0 looga adkaaday.

Dhanka kale, Liverpool ayaa guul ku gaari karta inay gasho afarta kaalmood ee ugu sarreeya horyaalka.

Halyeeyga Arsenal, Ian Wright, ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay saddexda dhibcood qaadan doonto.

“Waxaan qabaa inaan adkaan doonno. Kulankani wuxuu muujin doonaa halka Liverpool marayso iyo inay dib u soo laabanayso iyo in kale. Waxaan filayaa inaan ku badin doonno 2-1,” ayuu yiri Wright.

Kabtankii hore ee Manchester United, Roy Keane, ayaa saadaaliyay barbaro.

“Waxaan u maleynayaa inay barbaro noqon doonto. Liverpool si fiican ayay u ciyaartay kulankii City ilaa kaarka cas la bixiyay. Waxaan saadaalinayaa 1-1,” ayuu yiri Keane.

Dhanka kale, Gary Neville ayaa qaba in Arsenal ay kulanka u ciyaari doonto sidii ay hal dhibic uga heli lahayd Anfield.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular