Xabi Alonso Oo Shaaciyay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kulankii Kooxdiisa Ay Garaacday Manchester United

Romeo Lavia ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa Chelsea kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen Manchester United. Tababare Xabi Alonso ayaana ammaan kala dul dhacay xiddiga khadka dhexe ee reer Belgium kaddib ciyaarta.

“Marka laga eego dhinaca khadka dhexe, wuxuu soo bandhigay ciyaar heer aad u sarreeya,” ayuu yiri Alonso.

“Waxyaabo badan ayuu si sax ah u sameeyay. Wuxuu isku xirayay difaaca iyo weerarka, kubaddana dhinacyada ayuu u wareejinayay. Go’aanno sax ah ayuu qaatay, wuxuuna ahaa ciyaaryahan firfircoon oo tartan adag galay.

“Ma ahan oo keliya kulankan, balse labadii ama saddexdii toddobaad ee u dambeeyay wuxuu ciyaarayay heer wanaagsan. Aad ayaan ugu faraxsanahay, maantana wuxuu mudan yahay ammaan weyn.”

Lavia ayaa muddo dheer la dhibtoonayay dhaawacyo iyo dhibaatooyin dhanka taam ahaanshaha ah, balse hadda wuxuu ciyaaray laba kulan oo xiriir ah isagoo min 90 daqiiqo garoonka ku jiray.

Wuxuu marka hore sidaas sameeyay kulankii Liverpool ee Carabao Cup, ka hor inta uusan markale 90 daqiiqo ciyaarin kulankii Manchester United.

Xiddiga reer Belgium ayaa hadda u muuqda inuu fursad fiican u haysto boos joogto ah oo uu khadka dhexe kagala ciyaari karo Moises Caicedo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular