€150 Milyan! Arsenal Oo Qasnadaha U Jebineysa Saxiixa Kenan Yıldız

Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhowdahay inay la soo wareegto xiddiga Juventus, Kenan Yıldız, suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda. Heshiiska ayaa gaari kara 150 milyan oo euro (125 milyan oo gini), taasoo ka dhigi karta saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda reer London.

Sida ay sheegtay TEAMtalk, Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa ciyaaryahanka reer Turki ee Kerim Alajbegovic, iyadoo hoggaamineysa tartanka loogu jiro saxiixiisa, inkastoo Tottenham ay iyaduna doonayso.

Wariye Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in Arsenal iyo Tottenham ay xagaagii hore wax ka weydiiyeen qiimaha Yıldız, isla markaana ay diyaar u ahaayeen inay bixiyaan in ka badan 100 milyan oo euro.

Qiimaha xiddiga reer Turki ayaa gaari kara 150 milyan oo euro haddii Juventus ay go’aansato inay iibiso. Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay fursad fiican u leedahay saxiixiisa, gaar ahaan iyadoo Juventus ay durba qorsheyneyso sidii ay booskiisa ugu buuxin lahayd Kerim Alajbegovic.

Juventus ayaa u baahan inay iibka ciyaartoyda ka hesho 70 ilaa 80 milyan oo euro, waxaana suuragal ah inay iibiso dhowr ciyaaryahan ama mid ka mid ah xiddigaheeda waaweyn, oo uu ku jiro Yıldız.

Yıldız oo 21 jir ah ayaa ka ciyaari kara garabka bidix, wuxuuna ku fiican yahay abuurista fursadaha iyo weerarka. Xilli ciyaareedkii hore wuxuu dhaliyay 11 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 10 caawin.

Waxaa la filayaa inuu garoomada ku soo laabto bisha December, kadib dhaawac jab ah oo kasoo gaaray lafta cagta. Xilli ciyaareedkan hal kulan oo keliya ayuu ciyaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular