Halyeeyga Manchester United, Roy Keane, ayaa dhaliilay goolhayaha kooxda Senne Lammens, isagoo sheegay in hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkiisa uu qayb ka yahay dhibaatooyinka kooxda.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap, Keane ayaa yiri: “Goolhayuhu dhib ayuu ku yahay kooxda, miyaanay sidaas ahayn? Sanadkii hore aad ayuu u fiicnaa.”
Lammens ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Manchester United soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan, kadib markii uu kooxda kaga soo biiray Royal Antwerp sanadkii 2025, heshiis ku kacay 18 milyan oo gini. Wuxuu si degdeg ah booska koowaad ugala wareegay Andre Onana.
Si kastaba ha ahaatee, bandhiggiisa ayaa hadda su’aalo badan laga keenay, gaar ahaan kadib markii United laga dhaliyay 13 gool siddeeddii kulan ee ugu horreeyay Premier League.
Paul Scholes ayaa sidoo kale shaki geliyay in goolhayaha reer Belgium uu leeyahay awood uu ku noqon karo mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu sarreeya dunida, isagoo sheegay in weli aan go’aan laga gaarin tayadiisa.
Dhanka kale, Lammens oo 24 jir ah ayaa sheegay inuu u baahan yahay inuu maskax ahaan adkaysto, maadaama cadaadiska ka jira Manchester United uu yahay mid weyn.
Kooxda Michael Carrick ayaa Sabtida booqan doonta Chelsea, iyadoo kulankaas uu ka dhici doono Stamford Bridge.