Manchester United Oo Dooneysa Inay La Soo Wareegto Laba Khad-dhexe Oo Ka Ciyaara LaLiga

Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa Fermin López oo u ciyaara Barcelona iyo Pablo Barrios oo ka tirsan Atletico Madrid.

Kooxda ayaa suuqa kala iibsiga xagaagii ku bixisay 155 milyan oo gini si ay ula soo wareegto Youri Tielemans, Andrey Santos iyo Carlos Baleba. Si kastaba ha ahaatee, United ayaa weli dooneysa inay sii xoojiso khadkeeda dhexe.

Khabiirka suuqa kala iibsiga, Matteo Moretto, ayaa barnaamijka La Pizarra de Quintana ee Marca ka sheegay in United ay xog ka weydiisay labada ciyaaryahan.

“Waxaa jira koox Premier League ah(Manchester United), taasoo waxyaabo badan u baahan inay hagaajiso, isla markaana raadineysa khad-dhexe leh astaamaha Barrios iyo Fermin.

“Waxay xog ka weydiisay labadoodaba, balse wax wada-hadal rasmi ah ma jiro. Waa xog-raadis keliya,” ayuu yiri Moretto.

Waxaa la sugayaa in Manchester United ay diyaariso qarashka lagu heli karo labada xiddig si heshiisyadooda loo meel mariyo marka suuqa kala iibsigu dib u furmo bisha Janaayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular