Dhibaatada dhaqaale ee Barcelona ee dhawaanahan jirtay ayaa ah mid kasii dareysay sannadihii la soo dhaafay.
Barca ayaa hadda ku mashquulsan iibinta xiddigo dhowr ah oo kooxda koowad ka tirsan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Xaqiiqdii, xiddiga ugu dhaw oo ay iibin karaan ayaa ah Frenkie de Jong, oo bartilmaameed u ah dhowr kooxood oo ka dhisan Premier League.
Barcelona ayaa Jules Kounde sidookale iibin karta xagaaga, halka Ferran Torres lala xiriirinayo Arsenal.
Dhinaca kale TBR Football ayaa fahamsan in kooxo badan oo Premier League ka dhisan ay u xaqiijiyeen Barcelona inay xiiseynayaan xiddiga garabka ka ciyaara ee Raphinha.
Waa shaqsiga ugu dhaw ee lala xiriirinayo inuu ka tagi karo Barcelona, waxaana isha ku haya Arsenal, Liverpool iyo Man city.
Gunners ayaa haatan kusoo biirtay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, waxaana Arteta uu u arkaa mid kusoo baxi kara shaxdiisa.
Arsenal ayaa dagaal xoogan kala kulmi doonta kooxaha ay ku xifaaltamaan Premier League marka ay timaado saxiixa Raphinha.