Jamie Carragher oo ka digay in xiddig Manchester United uu ka hor istaagi doono Ruben Amorim inuu ku guuleysto Premier League.
Jamie Carragher ayaa rumeysan in Manchester United aysan ku guuleysan doonin horyaalka Premier League haddii Marcus Rashford uu weli ka mid yahay weerarka kooxda.
Rashford ayaa si liidata u ciyaaray xilli ciyaareedkii hore oo uu leylinayay Erik ten Hag, isagoo dhaliyay 8 gool oo kaliya 43 kulan oo uu saftay. Xilli ciyaareedkan, 27-jirka ayaa weli soo bandhigaya qaab ciyaareed aan joogto ahayn.
Toddobaadkan, warbixino ayaa soo jeediyay in United ay diyaar u tahay inay iibiso Rashford, iyadoo kooxda diyaar u ah inay dhageysato dalabyada ku dhow £40 milyan.
Carragher wuxuu ku dooday in United ay sax tahay inay isku daydo inay iska fasaxdo Rashford, isagoo ku adkeystay in Ruben Amorim uu u baahan yahay inuu dib u cusbooneysiiyo kooxdiisa kahor xilli ciyaareedka soo socda.
“Amorim wuxuu la wareegay koox qaab ciyaareedkeedu liito oo mushahaarooyin badan qaadata, waana in la dhimmo si uu awood ugu helo inuu maalgashado ciyaartoyda uu u baahan yahay,” Carragher ayaa ku qoray qormadiisa The Telegraph.
“Waxey la tahay inaanan la yaabeyn in ciyaartoyda waaweyn sida Marcus Rashford lagu xiro inuu baxo. United waa inay iska iibiso sababtoo ah ma bixinayo wax qiime ah marka loo eego qandaraaskiisa mushaharka badan.”