Manchester United ayaa ku jirta dhibaato isboorti iyo mid dhaqaale xumo taas oo kooxda ku qasabtay in ay go’aano adag qaadato.
Magacyada lagu xamanayo inay ka tagayaan kooxda Man Utd waxaa ka mid ah Marcus Rashford, kaasoo laga yaabo inuu kujiro xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Old Trafford.
Kooxda Ingariiska, oo dooneysa inay hirgaliso mashruuca Rúben Amorim, ayaa weeraryahanka Ingariiska ku qiimeysay 45 milyan ginni.
Waa wax aad kaga hooseeya qiimihii 100 milyan oo ay ku diiday dhowr sano ka hor ka dib ololihiisii fiicnaa ee gooldhalina lahaa ee uu kujiray.
Rashford ayaa ah doorasho aad u wanaagsan oo bedeli kara Robert Lewandowski oo hogaamiya weerarka Barcelona.
Barcelona waxay durba ka fekireysaa bedelka mustaqbalka weeraryahanka Poland, Magacyada Viktor Gyökeres ama Jonathan David ayaa miiska saaran, inkastoo Rashford uu yahay shaqsiga ugu dhaw oo ay heli karaan sida ay ku warameyso majalada Sport.
Barcelona oo hore u muujisay xiisaha ay u qabto Rashford, waxay si dhaw ula soctaa xaaladiisa kooxda Man Utd.