Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay 17 jirka daafaca bidix ee kooxda Cerro Porteno, ninka lagu magcaabo Diego Leon.
Tababaraha cusub ee United Ruben Amorim ayaa la fahamsan yahay inuu waqti yar ku lumiyay saxiixaan oo ka ciyaara daafaca bidix, iyadoo qaab ciyaareedkiisa 3-4-2-1 uu kusoo baxayo.
Warar badan oo haatan soo baxay ayaa xaqiijinaya in Amorim uu heshiis la gaaray Leon oo si weyn loo qiimeeyo, kaasoo si joogta ah ugu soo bilowday kooxda Cerro Porteno xilli ciyaareedkan inkastoo uu aad u yar yahay.
Sharciga FIFA ayaan u ogolaan doonin in Leon uu si rasmi ah ugu wareego Manchester ilaa uu gaaro 18 sano, taasoo la micno ah inuusan u ciyaari karin ilaa bisha April 2025.
Saxafiga reer Argentine Cesar Luis Merlo ayaa sheegay in United ay bixin doonto $4m oo ay la socoto $1m oo dheeri ah iyo $4m oo kale oo gunnooyin ah marka ay lasoo wareegeyso da’yarkaan.
Haddii Leon uu ku biiro Man Utd, Amorim ayaa ka dhigi doona bedelka rasmiga ah ee Luke Shaw iyo Tyrell Malacia oo aan heysan kalsoonida tababaraha reer Portugal.