Wakiilka Antoine Griezmann ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer France uu diiday inuu ku biiro Manchester United waqti hore. Isagoo la hadlayay Tuttomercatoweb, wakiilku wuxuu yiri:
“Wuxuu gaaray 33 sano, sidaas darteed, ma filayo Inuu tagayo koox kale. Waqtiyadii hore waxaa jiray xiiso. Waligii ma jirin dalab dhab ah, laakiin kooxaha xiiseynayay waa kuwa aad loo yaqaan… Si kastaba ha ahaatee, Manchester United wuxuu ka diiday dalab, wuxuuna si cad u yiri maya. Laakiin waligiis ma furin albaabka uu uga tagayo La Liga.
Haddii mustaqbalka uu doonayo inuu ka ciyaaro meel kale oo halkaan ka duwan, waan arki doonnaa, ma oranayo inuu sidaas yeeli doonin.”
Manchester United ayaa lala xiriiriyay dalab £85 milyan ah oo ay u direen Griezmann sanadkii 2017. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ugu dambeyntii ku biiray Barcelona, laakiin hadda wuxuu dib ugu laabtay Atletico Madrid.
Xiisaha soo cusboonaaday ee xiddiga ayaa sabab u ah Amorim oo doonaya inuu dib u dhis weyn ku sameeyo kooxdiisa.fashilka arrintan ayaa noqon karta mid saameyn weyn ku yeelata rabitaanka Amorim iyo qorshaha United ee suuqa.