Real Madrid ayaa sii wadata guushooda Champions League kadib markii ay guul ciriiri ah ka gaareen Atalanta habeenkii Talaadada.
Weerarka saddex aflaha ee Jude Bellingham, Kylian Mbappe, iyo Vinicius Junior ayaa hoggaaminayay kooxda, mid walbana wuxuu dhaliyay hal gool.
Bellingham ayaa ahaa xiddigii ugu fiicnaa habeenkaas, isagoo sii wada qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee dhawaanahan.
Isagoo la hadlayay Micah Richards iyo Alessandro Del Piero kadib ciyaarta, Bellingham ayaa ka hadlay qaab ciyaareedkiisa wanaagsan, isagoo qirtay inuu hadda ciyaarayo isagoo xor ah.
“Waxaan ugu fiicanahay marka aan si xor ah u ciyaarayo. Waxaan la kulmay Carlo [Ancelotti] oo iga caawiyay inaan dib u helo xorriyaddaas,” ayuu yiri (sida laga soo xigtay CBS Sports).
Bellingham ayaa runtii ku jira qaab ciyaareed aad u sarreeya, isagoo dhaliyay afar gool iyo labo caawin shantii kulan ee ugu dambeysay.
Isagoo ka hadlayay goolkii uu dhaliyay kulankaas,Xiddiga khadka dhexe ayaa yiri:
“Ma aanan ogeyn meesha kubaddu u socotay, waxaan mooday inay dhabarkayga ku dhici doonto oo qof walba igu qosli doono. Laakiin waan helay, kadibna waxaan ka gudbay caqabadda 1v1 ee difaaca.”
Isagoo ka hadlaya kaalintiisa guulaha Real Madrid, wuxuu sii raaciyay:
“Wax badan ayaan ku guuleysannay xilli ciyaareedkii hore, laakiin aad ayaan ugu hamuun qabaa inaan mar kale guuleysto, oo aan guulo badan la gaaro kooxdaan.”
“Mar walba waxaan rabaa inaan ciyaarta saameyn ku yeesho goolal iyo caawin, laakiin sidoo kale waa muhiim inaan shaqadeyda kale sida saxda ah u qabto. Hadda waxaan dib u helay dareenkeygii, waxaana rajeynayaa in goolal kale ay imaanayaan,” ayuu ku soo gabagabeeyay.