Rajada Arsenal ee hanashada horyaalka Premier League ayaa hoos u dhacday bilihii u dambeeyay, waxaana suurtagal ah in Mikel Arteta iyo kooxdiisu ay raadiyaan xoojinta safkooda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Arsenal ayaa laga yaabaa inay diyaar u noqoto inay lacag badan ku qarashgareyso suuqa kala iibsiga ee Janaayo kadib markii uu hoos u dhac ku yimid rajadooda hanashada horyaalka Premier League.
Gunners-ka ayaa hadda lix dhibcood ka dambaysa hogaamiyaasha horyaalka ee Liverpool, kuwaas oo hal kulan gacanta ku haya, kadib markii ay dhibco lumiyeen shan ka mid ah siddeeddii kulan ee ugu dambeeyay. Arsenal ayaa 1-1 barbaro ah la gashay kooxda Fulham Axadii kadib markii Raul Jimenez iyo William Saliba ay goolal dhaliyeen, waxaana ay rajeynayaan inay guul ku soo laabtaan marka ay toddobaadka soo socda martigeliyaan Everton.
Sida laga soo xigtay Football Transfers, Arteta ayaa ‘dalbaday in Nico Williams loo keeno’ bisha Janaayo iyadoo Arsenal ay rajeyneyso inay dib u bilowdo dadaalkooda hanashada horyaalka.
Williams ayaa heysta qandaraas waalli ah oo lagu burburin karo qiyaastii €58 milyan (£47.8m) waxaana lala xiriirinayay inuu ku biiro Emirates xagaagii hore. Warbixinta ayaa sheegeysa in Arteta uu aaminsan yahay in laacibka uu “dib u kicin karo rajada Arsenal ee horyaalka”.
Si kastaba ha ahaatee, waxay wajihi karaan tartan adag oo ku aaddan saxiixa Williams, iyadoo kooxaha Barcelona iyo Chelsea sidoo kale ay xiiseynayaan adeegiisa. Bishii Sebtembar isagoo ka hadlayay mustaqbalkiisa, Williams ayaa yiri: “Qalbigeyga waa Bilbao, laakiin cidna ma oga waxa dhici doona mustaqbalka.”