Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada uu ugu soo laaban karo Real Madrid, isagoo taageeray tababaraha hadda ee kooxda, Carlo Ancelotti, oo uu ku tilmaamay “tababaraha ugu fiican adduunka.”
Iyadoo Real Madrid ay dhibaato ku jirto xilli ciyaareedkan, cadaadis xooggan ayaa saaran Ancelotti si uu dib ugu soo celiyo kooxdiisa qaab ciyaareedkii fiicnaa. Warar kala duwan ayaa sheegayay in Ancelotti laga yaabo in shaqada laga ceyriyo inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka, iyadoo Santiago Solari loo diyaarinayo inuu noqdo macallinka kumeel gaarka ah.
Marka la eego xanta ku saabsan mustaqbalka Ancelotti, Mourinho – oo hore u soo maamulay Real Madrid – ayaa la weydiiyay haddii uu dib ugu laaban lahaa Santiago Bernabeu. Si kastaba ha ahaatee, halkii uu xiiseyn lahaa ku soo laabashada kooxda, Mourinho wuxuu taageero buuxda u muujiyay saaxiibkiisa Ancelotti.
“Ma ku soo noqonayaa? Real Madrid waxay haystaan tababaraha ugu fiican adduunka, saaxiibkay Carlo, oo si fiican u shaqeynaya,” ayuu yiri Mourinho, sida laga soo xigtay El Correo.
Mourinho, oo hore u soo layliyay kooxaha Chelsea iyo Manchester United, ayaa maamulayay Real Madrid intii u dhaxaysay 2010 iyo 2013. Mudadii uu joogay Santiago Bernabeu, wuxuu kooxda ku hogaamiyay hanashada horyaalka La Liga sanadkii 2012, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta tababaraha ugu fiican adduunka sanadkii 2011.