Arsenal ayaa doonaysa garabka weerarka kooxda Girona ee Viktor Tsygankov oo ah 26 jir u dhashay Ukraine, kaas oo sidoo kale ay amaah ku raadinayso AC Milan (Sport)
Chelsea ayaa ku qabsatay Arsenal weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko oo la sheegayay in Gunners ay u dhow dahay heshiiskiisa, laakiin Blues ayaa waxa ay kalsooni ku qabtaa inay ku garaaci doonto kooxda ay isku magaalada yihiin. (Standard)
Weeraryahanka Manchester City iyo xulka Argentina ee Julian Alvarez oo 24 jir ah ayaa waxa bartilmaameed ka dhigatay Atletico Madrid. (Marca)
Manchester United waxa ay doonaysaa difaaca kooxda Everton iyo xulka England ee Jarrad Branthwaite oo 21 jir ah, iyo waliba difaaca Juventus ee Gleison Bremen oo ah 27 jir u dhashay Brazil. Waxa sidoo kale qorshahooda ku jra Jean-Clair Todibo oo 24 jir ah. (Football Insider)
West Ham waxa ay calaamadsatay weeraryahanka reer Portugal ee Victoria Guimaraes iyo garabka weerarka Portugal ee Jota Silva. (Teamtalk)
Tottenham waxa ay albaabada u furtay Genoa oo ay u ogolaatay inay si rasmi ah ula saxeexato Djed Spence oo ah 23 jir Ingiriis ah oo amaah ku jooga kooxda Talyaaniga. (Fabrizio Romano)
Difaaca Fulham iyo England ee Tosin Adarabioyo oo 26 jir ah, waxa uu ka gudbay tijaabada caafimaadka oo uu u maray Chelsea oo uu si xor ah ugu biirayo. (Mail)
Manchester United waxa ay wada-hadallo kula jirtaa garabka weerarka xulka England ee Jadon Sancho oo 24 jir ah oo ay isla meel-dhigayaan mustaqbalkiisa iyadoo laacibkani uu u caddeeyey in aanu kusoo laaban doonin Old Trafford inta uu Erik ten Hag joogo. (ESPN)
Weeraryahanka reer Argentina ee Paulo Dybala ayaa ogolaaday inuu tago horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, laakiin illaa hadda lama sheegin kooxda uu kusii jeedo. (Sky Sports)
Carlo Ancelotti ayaa doonaya in uu ku qanciyo kabtanka kooxdiisa ee Nacho Fernandez in uu sii joogo Santiago Bernabeu, iyadoo daafacan lala xidhiidhinayo kooxo kale. (Athletic).