Mid ka mid ah tababarayaasha Manchester United ayaa shaaciyay sababtii uu Jadon Sancho u diiday inuu reeligeliyo tababare Erik ten Hag ka dib markii ay isku dhaceen.
Man United ayaa 73 milyan ginni uga soo iibsatay Sancho kooxda Borussia Dortmund sannadii 2021kii, laakiin waayihiisa Man United ayaa burburay markii ay bishii September isku dhaceen tababare Ten Hag oo kooxda ka saaray.
Ten Hag ayaa ka carooday qoraal uu Sancho soo dhigay baraha bulshada oo uu ku tilmaamay macalinka reer Holland beenaale madaama Ten Hag uu sheegay in sababtii uu Sancho uga saaray kulan ay la ciyaarayeen Arsenal ay aheyd inuusan tababarka dadaal badan ku muujinin.
Ten Hag ayaa ka dalbaday Sancho inuu raaligelin ka bixiyo qoraalkii uu baraha bulshada dhigay laakiin xiddiga Ingariiska ayaa diiday taasoo keentay in kooxda laga saaro islamarkaana bishii Janaayo amaah lagu siiiyo kooxda Dortmund.
Mid ka mid ah shaqaalaha tababaraha Ten Hag, Benni McCarthy ayaa haatan sharaxay sababta uu Sancho u diiday inuu raaligeliyo tababarihiisa.
“Waxaan la hadlay tababaraha, waxaana u sheegay in xaalada ay tahay mid cakiran” ayuu yiri McCarthy oo door tababarenimo ka qabtay United 2022kii.
“Waxaan u sheegay in Jadon Sancho uu dareemayo haddii uu raaligelin bixiyo inuu isku saxayo eedeyntii aheyd inuu yahay ciyaaryahan aan tababarka ku dadaalin islamarkaana wax walba oo lagu eedeeyay ay run ahaayeen.
“Haddii aad ka timid wadooyinka, cidna ma dooneyso inay raaligelin bixiso sababtoo ah waxaad qiraneysaa inaadan si fiican tababare u qaadanin, inaad tahay caajislow, inaad tahay wax walba oo laguugu eedeeyay.
“Jadon ma uusan dooneynin inuu taas qirto. Tababaraha wuxuu ku adkeystay in waxa kaliya ee uu doonayo inay tahay in la raaligeliyo.
“Waxaan Jadon u la hadlay tababare ahaan, saaxiib ahaan iyo qof sidiisa oo kale wadada ku soo koray oo yaqaana xeerka.
“Laakiin Jadon wuu diiday inuu raaligelin bixiyo. Wuxuu yiri, “raaligelin ma bixinayo sababtoo ah haddii aan sidaas sameeyo waxaan raaligelin ka bixinayaa inaan ahey ciyaaryahan caajislow ah, inaan mar walba soo daaho, inaan dadaal badan bixinin. Waa taas waxyaabaha aan raaligelinta ka bixinyo.’ Waana kuwaa sababihii uu u diiday inuu raaligelin bixiyo.”