Finalka Champions League ayaa la ciyaari doonaa maalinta Sabtida ee June 1 oo garoonka Wembley ee magaalada London loogu goleyn doono kooxaha Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo ay midkood calfan doonto koobka, waxaana naadiga qaada ay UEFA u shubi doontaa lacag badan oo siin doonta fursad ay isku xoojiyaan oo ay ciyaartooyo cusub ku iibsadaan.
Tartanka Champions League oo ah midka ugu weyn ee ay kooxaha Yurub ciyaaraan, ayaa ka sokow xamaasadda iyo xiisaha uu leeyahay waxa ay kooxuhu ka helaan dhaqaale badan, iyagoo loogu kala jajabiyo marxaladaha kala duwan ee ay usoo maraan min kasoo-qaybgalka illaa ciyaarta ugu dambaysa ee finalka Champions League.
Saddex meelood ayaa loogu kala jabiyaa lacagta kooxaha la siiyo, iyadoo xilli-ciyaareedkii hore ay Manchester City oo koobka ku guuleysatay heshay lacag dhan €80 milyan oo Euro. Sidaas oo kale, Real Madrid iyo Borussia Dortmund waxa ay heli doonaan lacag badan balse ka sarrayn doonta inta la siiyey Manchester City.
Sida ay warbaahintu sheegtay, Real Madrid iyo Borussia Dortmund midkooda ku guuleysta Koobka waxa la siin doonaa €85.14 milyan oo Euro