Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la filayaa inay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag, inkasta oo u qaaday FA Cup oo Sabtidii ay 2-1 kaga adkaadeen Manchester City.
Red Devils ayaa lala xidhiidhinayaa tababareyaal kala duwan oo ay ugu horreeyaan Mauricio Pochettino iyo Thomas Tuchel oo maalmo ka hor ay labadoodaba eryeen Chelsea iyo Bayern Munich.
Manchester United uma fududaan doonto inay eryaan tababare Erik ten Hag, sababtoo ah waxa uu ka doonayaa lacago badan oo magdhow ah oo waliba sii kordhay markii ay kooxdiisu ku guuleysatay koobka FA Cup toddobaadkan, taas oo keentay inay boos ku yeeshaan tartanka Europa League ee xilli-ciyaareedka dambe oo looga riixay Chelsea.
Warbaahinta ESPN ayaa sheegay, in magdhowga uu Erik ten Hag ka doonayo Manchester United ay yaraan lahayd haddii aanay ku guuleysan lahayn koobka FA Cup oo ay sidoo kalena ka maqnaan lahaayeen Europa Leaguue.
Warka ayaa intaa ku daray, in Erik ten Hag uu qaadan doono ugu yaraan 10 milyan oo Euro oo magdhow ah iyadoo waliba uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa.