Madaxa horyaalka Premier League ee Richard Masters ayaa shaaciyey garoonka uu tegi doono ee uu ka daawan doono ciyaarta ugu dambaysa ee lagu soo xidhayo horyaalka lagu soo xidhayo ee Axadda, iyadoo Arsenal iyo Manchester City ay mid walba fursad u haysato inay ku guuleysato horyaalka.
Horyaalka ayaa lagu go’aamin doonaa natiijooyinka ay maalinta ugu dambabaysa ku kala calaf qaadi doonaan Manchester City oo gacanta sare leh iyo Arsenal oo ay mid walba fursad u haysato.
Richard Masters ayaa waxa uu sheegay in uu tegi doono garoonka Emirates Stadium oo uu ka daawan doono ciyaarta Arsenal iyo Everton, inkasta oo Manchester City ay tahay kooxda u dhow inay ku guuleysato horyaalka oo ay laba dhibcood hoggaanka ku hayso.
Richard Masters ayaa waxa la sheegay in sababta uu uga baaqsanayo inuu tago Etihad Stadium ay tahay inuu diiddan yahay inuu tago garoonka koox loo haysto inay jabisay sharciga Premier League oo ay City ku eedaysan tahay inay 115 jeer jabisay isla markaana la sugayo go’aanka dacwadda ku socota.
Arsenal oo sannadkii 2004 ay ugu dambaysay inay ku guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, ayaa u baahan in ay ka adkaato Everton, sidoo kalena laga qabto Manchester City oo ay garab ka hesho West Ham.