Manchester City ayaa shalay la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay laba dhibcood dhaaftay Arsenal oo maanta la dheelaysa Manchester United kulan si weyn indhaha loogu hayo oo ka dhacaya garoonka Old Trafford.
Pep Guardiola waxa ay kooxdiisu 4-0 kusoo xasuuqday Fulham iyadoo laba ka mid ah goolasha uu u dhaliyey fifaaca reer Croatia ee Josko Gvardiol, halka labada kale oo uu midkood rikoodhe ahaana ay ku dareen Phil Foden iyo Julian Alvarez.
Arsenal ayaa si ay ugu soo laabato kaalinta koowaad waxay u baahan tahay inay maanta ka adkaato Manchester United oo ay waliba goolal badan dhaliso si ay farqiga goolasha ugu xisaabtanto maadaama ay Man City laba gool oo kaliya kadambayso hadda.
Man City ayaa dib ugu soo laaban karta hoggaanka maalinta Salaasada oo ciyaar baaqi u ah la dheeli doonta Tottenham, waana ciyaarta ay dunida oo dhan indhaha ku hayso ee loo arkayo inay tahay midda go’aaminaysa kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League.
Maxay u baahan yihiin Man City iyo Arsenal si ay ugu guuleystaan horyaalka Premier League?
Hadda Manchester City ayay dhinaceeda wax walba jiraan. Si ay ugu guuleysato horyaalkana, waa in ay kaliya badiso labada kulan ee u hadhsan ee Tottenham iyo West Ham, waxbana kagama xidhna natiijooyinka ay Arsenal ka keenayso kulamadeeda.
Arsenal waxa ay dhinaceeda u baahan tahay inay guuleysato labada ciyaarood ee u hadhsan ee Manchester United iyo Everton, sidoo kalena waxa ay u baahan yihiin in la qabto Manchester City.
Kulamada u hadhsan labada kooxood
Labada ciyaarood ee u hadhsan Arsenal
May 12 – Manchester United (Marti)
May 19 – Everton (Minan)
Labada ciyaarood ee u hadhsan Manchester City
May 14 – Tottenham (marti)
May 19 – West Ham (minan)
Goorma ayaa la go’aamin doonaa kooxda ku guuleysanaysa horyaalka?
Salaasada ayaa noqon karta maalinta la go’aaminayo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waase haddii ay Arsenal maanta ka adkaan kari weydo Manchester United oo ay dhibco lumiso, sidoo kalena ay Man City guul ka keento ciyaarta Tottenham.
Haddii labadooduba ay guulo ka keenaan kulamada Manchester United iyo Tottenham, waxa kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League lagu go’aamin doonaa toddobaadka dambe oo la ciyaarayo kulamada ugu dambeeya xilli-ciyaareedka.