Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanay laba dhibcood dhaaftay Arsenal oo ay isku mid ka yihiin tirada kulamada u hadhsan oo min laba ciyaarood ah.
Manchester City ayaa waxa ay 4-0 kusoo xasuuqday Fulham oo ay ku booqatay magaalada London, waxaana ka sokow tirada dhibcaha ee labada ah ee ay dhaaftay Arsenal ay sidoo kale soo yaraysay farqigii goolasha ee ay Gunners ka horreysay oo hadda noqday laba gool oo kaliya.
Difaaca reer Croatia ee Jasko Gvardiola ayaa noqday libaaxa guushan u horseeday Manchester City oo sannadkii afraad oo xidhiidh ah u dagaallamaysa inay ku guuleysato horyaalka Premier League.
Laba gool oo uu labadii qaybood ee ciyaarta kala dhaliyey Jasko Gvardiol, ayaa waxa laba kale ku daray Phil Foden iyo Julian Alvarez, waxaana sidaas uu maanta horyaalku gacanta ugu soo galay Man City oo hadda sugaysa in ay kaliya guuleysato labada ciyaarood ee u hadhsan.
Daqiiqaddii 13aad ayuu Gvardiola kubadda dhinaca bidix kala soo galay xerada ganaaxa waxaana uu usoo gooyey laba difaac ka hor intii aanu dhinaca midig ka dhigin goolhayaha oo isaguna gaadhi waayey.
Goolkan ayaa ahaa midka kaliya ee ka dhashay garoonka Cottage qaybtii hore, waxaana ciyaartan oo ay si weyn ula socdeen taageereyaasha Arsenal la filayey in qaybta dambe ay noqon doonto mid ay Fulham iska celin karayso Man City.
Phil Foden ayaa kubbad diciif ah oo dhulka socota waxa uu ku toogtay goolka Fulham, waxaana awoodi waayey in uu joojiyo goolhaye Bernd Leno oo maanta ay ubaahnayd kooxdiisii hore ee Arsenal oo ka doonaysay inuu la dego Man City, balse uu noqday mid afar gool u goolaaday shabaqiisa.
Jasco Gvardiola yaaa kusoo noqday dhalinta goolasha oo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Bernardo Silva orod ugu yimid goolka agtiisa oo isku tuuray, waxaana uu sidaas ciyaarta kaga dhigay 3-0.
Gvardiola ayaa moodayey in uu ku jiray offside oo goolka aan u dabbaal-degin bilowgii hore, balse markii uu arkay iyadoo uu garsooruhu usii cararayo dhinaca badhtamaha garoonka oo uu gool tilmaamay ayuu orod is-dhigay oo uu dabbaal-deg weyn sameeyey.
Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa Manchester City loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Julian Alvarez, iyadoo Fulham laga saaray Diop oo casaan ku baxay.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay hoggaanka horyaalka ku qabatay 85 dhibcood iyadoo ciyaartay 36 kulan, halka Arsenal ay u dhacday kaalinta labaad oo iyadoo 36 kulan ciyaartay ay haysato 83 dhibcood.
Arsenal ayaa waxa ay Axadda berri la ciyaari doontaa Manchester United oo ay ku booqan doonto Old Trafford, halka Manchester City ay Salaasada u tegi doonto Tottenham, waxaana labadan ciyaarood ay yihiin kuwo si weyn indhaha loogu hayo, ka hor inta aan toddobaadka dambe lasoo gabogabaynin horyaalka Premier League.