Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay, in uu kusoo laabtay xiddiga reer France ee Karim Benzema oo xagaagii u wareegay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad, waxaana uu laacibkani ku sugnaan doonaa garoonka tababarka Los Blancos, halkaas oo uu ku qaadan doono tababar iyo barnaamijyo kasoo kabasho dhaawacyo ah.
Karim Benzema ayaa xagaagii go’aansaday inuu soo afjaro muddo 14 sannadood ah oo uu u ciyaarayay Real Madrid, waxaana soo jiidatay lacag badan oo ay u bandhigtay kooxda Sucuudiga ee Al-Ittihad oo ka dhigtay ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan kubadda cagta, waxaana kaliya ka horreeya Cristiano Ronaldo.
Dhaawacyo tiro badan ayaa uu Karim Benzema kula kowsaday horyaalka Sucuudiga, iyadoo kooxdiisuna ay difaacan kari wayday horyaalka Sucuudiga ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay, waxaana bishii hore tartanka Saudi King Cup ku garaacday Al-Hilal iyadoo uu koobkaasi ahaa midka kaliya ee uu Benzema ku guuleysan karayay xilli-ciyaareedkan.
Al-Ittihad ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay, in Real Madrid ay ku hesiiyeen in uu dib ugu laabto Karim Benzema oo ay baadhitaanno dheeraad ah oo dhaawacyadiisa la xidhiidha ku sameeyaan isla markaana uu halkaas ku qaato soo-kabashada.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inuu dib ugu soo laabtay Karim Benzema oo ay dhakhaatiirteedu ku samaynayaan baadhitaanno la xidhiidha dhaawacyadiisa, isla markaana uu dib ugu laaban doono kooxdiisa Al-Ittihad marka ay soo baxaan natiijooyinka baadhitaannada iyo daaweynta uu u baahan yahay.