Shil ka dhacay garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Girona ayaa sababay in cusbitaalka loola cararo laba ciyaartoy oo ay waxyeello soo gaadhay, kuwaas oo ay soo gaadheen dhaawacyo culus.
Difaaca reer Brazil ee Yan Couto iyo Junape ayaa la sheegay in dhaawacyo culus ay soo gaadheen markii iyaga oo tababarka ku samaynaya garoonka tababarka maanta ay isku dhaceen.
Tababare Michel ayaa saxaafadda u sheegay in xaaladda ciyaartoydani ay adag tahay, waxaana dhaawacoodu uu ku yimid markii iyaga oo iska hor yimid ay si toos ah madaxa iskugu dhufteen.
Michel oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Yan Couto iyo Juanpe waxa ay isku dhufteen madaxa, waqtiganna waxa ay ku jiraan cusbitaalka. Waxay u muuqataa in xaaladdoodu xun tahay.”
War-saxaafadeed ay waxyar ka hor soo saartay Girona ayaa waxa lagu sheegay, in labada ciyaartoy ay soo gaadheen dhaawacyo iyaga oo ku sugnaa garoonka tababarka taasina keentayin loo qaado cusbitaalka, laakiin hadda laga soo saaray cusbitaalka oo ay xaaladdoodu u muuqato inay deggen tahay.”
Couto oo ay da’diisu tahay 21 jir una dhashay waddanka Brazil ayaa halbowle u ah Girona oo sida muuqata kasoo qayb-geli doonta tartanka Champions League markii ugu horreysay taariikhdeeda.
Difaacan dhexe oo 35 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah u saftay Girona ayaa waxa xagaagii ay kooxda reer Spain amaah kaga soo qaadatay Manchester City, waxaana uu caawiye ka noqday sagaal gool isaga oo sidoo kaelan loogu yeedhay xulka qaranka Brazil oo uu saddex kulan u saftay.
Juanpe ayaa isagu ka mid ah ciyaartoyda ugu muddada dheer marka la eego xiddigaha Girona, waxaana uu kusoo biiray sannadkii 2016 isaga oo u saftay 244 ciyaarood, waxaanu marar kala duwan kabtan u noqday kooxdan.