Jamie Carragher ayaa sheegay in riyadii horyaalka ee Liverpool ay soo dhamaatay xalay ka dib guuldaradii ka soo gaartay Anfield.
Halyeeyga Liverpool ayaa u sheegay taageerayaasha kooxda inay aqbalaan in riyadii horyaalka ay soo dhamaatay, islamarkaana waqtigaan ay tahay waqtigii Everton ay ku dabaaldegi laheyd Goodison Park.
Wuxuu sheegay inaan Darwin Nunez marnaba laga cafin karin fursadihii uu qasaariyay ee ciyaarta wax ka bedeli lahaa, isagoo sheegay in Liverpool ay fekradihii ka dhamaadeen markii goolka labaad laga dhaliyay ciyaarta oo 30 daqiiqo ay ka harsan tahay.
Carragher ayaa u sheegay Sky Sports: “Tani waa gabagabadii tartanka horyaalka ee Liverpool. Waxay u dareen egtahay inay tahay dhamaadkii.
“Caawa waa habeenkii Everton, waa inaan aqbalno.”
Daaficii hore ee Liverpool ayaa hadalkiisa raaciyay: “Liverpool waxay u gacan gashay taatikada Everton. Sida ay Liverpool ku bilaabatay ciyaarta waxay aheyd doqonimo iyo si liidata iyagoo qaladaad laga maarmay galayay.
“Laakiin fursadoo uu Darwin Nunez qasaariyay ka hor waqtigii nasashada ma ahan mid marnaba la cafin karo iyadoo heerkaan la joogo. Ma ahan wax la aqbali karo marka heerkaan la joogo.
“Waxaan moodayay in Liverpool ay koontaroolka heysay qeybtii labaad. Haddii ay gool heli lahaayeen, mid kale ama labo way dhalin lahaayeen.
“Ka dib Mo Salah ayaa kubada dhiibtay. Wuxuu u muuqdaa hooska ciyaaryahankii uu berri ahaan jiray gaar ahaan tan iyo markii uu dhaawaca ka soo laabtay.
“Waa halyeey Liverpool, waa xiddig weyn, waa mid ka mid ah xiddigaha abid ugu fiican. Laakiin dhawaanahaan qaab ciyaareedkiisa wuu liitaa.
“Durbadii ay ciyaarta noqotay 2-0, Liverpool waxaa ka dhamaaday fikradihii.”