Alexis Mac Allister ayaa kubad gantaal ah ku xaqiijiyay guushii ay Liverpool xalay ka gaartay Sheffield United, taasoo keentay in taageerayaal badan ay durba u caleemo saaraan saxiixii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.
Mac Allister oo 25 sanno jir ah ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican todobaadyadii ugu danbeeyay, waxaana uu ahaa xiddiga Liverpool ka fujinayay mar kasta oo ay u baahdaan
Markii ay Liverpool u baahneyd geesi, Alexis Mac Allister ayaa u istaagay. Qaab ciyaareed cajiiba h uu soo bandhigay, waxa uu ku soo qatimay gool u dhow goolashii ugu fiicnaa ee Steven Gerrard.
Wax walba uu xiddiga Argentina taabta ayaa isku bedelaya dahab. Waa kulankii lixaad oo isku xigta oo uu Mac Allister gool dhalinayo ama caawin sameynayo.
Taageerayaasha Premier League ayaa la dhacay xidigaan iyadoo taageere uu X ku soo qoray: “Alla muxuu dhameystir fiican ahaa. Haddii shabaqa uusan meesha ku xirnaan laheyn, darbadaas qof ayuu ku dili lahaa.”
“Ogeysiis taageerayaasha kubada cagta, ninkaan waa khadkii dhexe ee ugu fiicnaa tan iyo Gerrard, waa saxiixa xilli ciyaareedka” ayuu yiri taageere kale.
Mid kale ayaa soo qoray: “Kama badbadinayo, ninkaan waa khadkii dhexe ee ugu fiicnaa ee aan daawaday tan iyo Stevie G.”
Mid afaraad ayaa yiri: “Tabiyaha ciyaarta wuxuu fursad u heystay inuu ku celiyo tabintii goolkii 2005tii ee uu Gerrard ka dhaliyay Olympiacos.”