Chelsea ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka gaartay Man United taasoo neef weyn ka fujisay tababaraha cadaadiska uu saaran yahay ee Mauricio Pochettino.
Labo gool uu Cole Palmer dhaliyay daqiiqadii 100aad iyo 101aad ayay Chelsea 4-3 ku garaacday Manchester United oo marti ku aheyd Stamford Bridge.
Natiijadan waxay sii murjisay xaalada Man United oo haatan rajadeeda afarta sarre ay sii muuqbeeleyso, halka Chelsea ay soo gashay 10ka kooxood ee ugu sareeya horyaalka.
XIDDIGA GAROONKA
Cole Palmer (Chelsea). Cole Palmer ayaa ku riyaaqaya xilli ciyaareed fiican tan iyo markii uu ka tagay Etihad Stadium una wareegay Stamford Bridge, mar kalena xalay wacdarro ayuu dhigay iyadoo weerar kasta oo Chelsea ay qaadeysay uu qeyb ka ahaa. Xaqiiqdiina hal qalad uu sameeyay xalay ma jirto.
Weeraryahanka ayaa haatan shabaqa soo taabtay afar kulan oo isku xigta uu ku dheelay Stamford Bridge, boos qaadashadiisa iyo qaabka uu meelaha halista ah uga soo baxayo ayaa cajiib ah.
Dhameystirkiisana waa mid fantastik ah, iyadoo Chelsea ay heshay xiddig ay uga bixi karto musiibada heysata sannadihii ugu danbeeyay.
XIDDIGIHII FASHILMAY
Diogo Dalot ayaa lagu gaaday isagoo booskiisa ka maqan goolkii hore ee Chelsea, waxaa farxal ka dhigtay Palmer. Inkastoo uu caawiye u ahaa goolkii barbaraha ee Bruno Fernandes, hadana isaga ayaa keenay rigooradii Chelsea ka caawisay soo laabashada.
Bilowgii ciyaartaba waxa uu ahaa mid aan fiicneyn, wuu ka soo daahay inuu ka falceliyo goolkii furitaanka. Si joogta ah ayuu baasaska u qaldayay. Waxaana uu nasiib ku lahaa inuu garoonka ku sii jiro.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Chelsea: Petrovic (5), Gusto (6), Disasi (7), Badiashile (7), Cucurella (6), Caicedo (5), Enzo (7), Gallagher (7), Palmer (9), Jackson (6), Mudryk (7).
Bedel: Sterling (6), Chukwuemeka (6), Gilchrist (6), Chalobah (6), Madueke (7).
Man Utd: Onana (5), Dalot (4), Varane (6), Maguire (7), Wan-Bissaka (6), Mainoo (6), Casemiro (4), Antony (8), Fernandes (7), Garnacho (8), Hojlund (6).
Bedel: Evans (7), Rashford (6), Kambwala (6), McTominay (6), Mount (6).