Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa taageeraya fekerkii Roy Keane ee ahaa in Erling Haaland uu u baahan yahay inuu ciyaartiisa guud horumariyo oo uu u muuqdo sida ciyaaryahan heerka afaraad ah.
Haaland ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto kulankii ay Man City barbaraha goolal la’aanta ah la gashay Arsenal Axadii isagoo fursad dahabi aheyd ka qasaariyay dhamaadkii ciyaarta.
Xiddiga reer Norway waxaa haatan soo martay shan kulan oo uusan gool u dhalinin kooxdiisa iyo wadankiisa, laakiin waxa uu ku socdaa inuu ku guuleysto kabta dahabka xilli ciyaareedkii labaad oo isku xigta.
Haaland ayaa leh 18 gool isagoo labo gool ka sareeya xiddiga Aston Villa Ollie Watkins inkastoo uu shan kulan dhaawac ku maqnaa xilli ciyaareedkan.
Isagoo u hadlayay Sky Sports ka dib ciyaartii Axada Kane ayaa sheegay in Haaland uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican marka uu goolka hortaagan yahay balse uu u baahan yahay inuu ciyaartiis guud horumariyo isagoo soo jeediyay inuu u ciyaaro sida ciyaaryahan heerka afaraad ah.
Goolasha Haaland ayaa inta badan ah kuwa loo soo shaqeeyay isagoo shabaqa uub ku taabta, laakiin waxaa haatan lagu dhaleeceynayaa inuusan ciyaarta guud ee kooxda ka qeyb qaadan karin, sida baasaska fursadaha abuuraya, kubad raacasho ama inuu daafacyada kubada ka leexsado.
Muuqaal haatan la soo bandhigay isagoo tababar sameynaya ayaa la aaminsan yahay inay xoojineyso fekerka halyeeyga Man United Roy Keane.
“Messi robbed Haaland, he didn’t deserve the Ballon D’or” pic.twitter.com/g5h8ZebhEq
— Abdul (@AbdulAL97) March 31, 2024
Muuqaalka ayaa la arkayaa Haaland oo ka qeyb qaadanaya iskululeyn ka hor ciyaar Man City ah inkastoo aysan cadeyn waqtiga muuqaalka la duubay.
Waxaa la arkayaa Haaland oo ay ku adag tahay inuu baas dhow xitaa saxo, dhowr jeer ayuuna baasas qaldayaa, sidoo kale koontaroolka kubada ayaa ka xun mararka qaar.
Baraha bulshada ayaana si weyn looga hadal hayaa, iyadoo taageere uu soo qoray: “Gooldhaliye weyn, ciyaaryahan liita.”
Mid kale ayaa yiri: “Wixii u Roy Keane ku arkay Haaland waxbaa ka jira.”
Mid seddexaad ayaa soo qoray: “Dad ayaaba aaminsan inuu Mbappe ka fiican yahay.”