Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la sheegay in ay tababaraheeda cusub ee beddelaya u dooratay macallinkii uu Pep Guardiola la doonayey in Barcelona ay ka dhigato beddelka Xavi Hernandez oo isaguna shaaciyey inuu tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Liverpool ayaa kala dooranaysa dhawr tababare oo kala duwan oo midkood ay magacaabi doonto, kaddib markii uu Jurgen Klopp ku dhawaaqay inuu soo afjarayo waayihiisii Anfield ee uu sagaalka sannadood tababaraha ka ahaa.
Sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa waddanka Spain, Liverpool ayaa waxa liiska tababareyaasha ay kala dooranayso iskugu soo hadhay Ruben Amorim oo ah tababaraha Sporting Lisbon iyo Roberto De Zerbi oo ah macallinka kooxda Brighton & Hove Albion.
Warka ayaa intaa ku daray, in Liverpool ay doorbidayo Roberto De Zerbi oo ah tababaraha Brighton oo uu hore Pep Guardiola ugu sheegay kooxdiisii hore ee Barcelona inay ka dhigato macallinka cusub ee u beddelaya Xavi Hernandez.
Wargeyska The Telegraph ayaa isaguna qoray in maamulka Liverpool ay hadda dookhooda koowaad ka dhigteen De Zerbi oo ay isku raacsan yihiin inay isaga magacaabaan haddii aanay wax kale isbeddelin.
De Zerbi oo ay da’diisu tahay 44 jir ayaa waxa uu hore u ahaa tababaraha Sassuolo laakiin sannadkii 2022 ayuu yimid Brighton oo uu ka beddelay Graham Potter oo waqtigaas loo magacaabay Chelsea.