Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa dhamaadkiisa ka hadhsan min toban ciyaarood oo kaliya oo ay naadiyadu dheeli doonaan, waxaana marxaladdan lasoo gaadhay iyadoo ay isku dhegsan yihiin kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester City oo ay mid walba fursad u haysato inay qaaddo koobka.
Tan iyo sannadkii 1992kii, sagaal jeer (xilli-ciyaareed) ayey laba kooxood isku dheggenaa oo dagaallamayey illaa maalintii ugu dambaysay ee horyaalka lasoo gabogabaynayey, waxaana aynu xasuusanaa in Liverpool iyo Man City ay sannadihii ugu dambeeyey laba xilli-ciyaareed ku kala baxeen kulankii ugu dambeeyey, labada jeerna ay horyaalka ku guuleysatay Man City.
Xilli-ciyaareedkan, Arsenal ayaa awood lasoo baxday oo tartanka ka dhigaysa saddex kooxood oo aan kala hadhi doonin illaa kulanka ugu dambeeya, inkasta oo kooxaha u hadhsan naadiyadan ay kala adag yihiin.
Dhamaan saddexdooduba waxa ay ciyaarta ugu dambaysa ku dheeli doonaan garoomada. Arsenal waxa ay kulankeeda ugu dambeeya ku qaabbili doontaa garoonka Emirates Stadium kooxda Everton, halka Liverpool ay iyaduna martigelin doonto Wolves oo ahayd kooxdii ay sannadkii 2022 kusoo xidheen horyaalka. Man City ayaa iyaduna waxa ay kulankeeda ugu dambeeya ku qaabbili doontaa West Ham.
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ah calaamadda kubadda cagta Ingiriiska iyo horyaalka ugu xiisaha badan, waxa ay taageereyaashu is-weydiinayaan waxa dhici doona haddii ay saddex kooxood oo isku dhibco ah la ciyaaro kulanka ugu dambeeya.
Haddii natiijada oo siman loo baxo kulanka ugu dambeeya, waxa la filan karaa in laba kooxood ay dhibco lumin karaan amaba ay farqiga goolasha ku kala baxaan, laakiin su’aasha madax-xanuunka ah ayaa waxa ay tahay, inta koob ee uu Premier League diyaarin doono ee la kala geyn doono garoomada Emirates Stadium iyo Anfield Stadium iyo Etihad Stadium, maadaama ay kooxda guuleysata ciyaarta ugu dambaysa u baahan tahay in koobka garoonka lagu dhax siiyo.
Caadiyan, koobka horyaalka Premier League waa mid kaliya waqtigan, waxaanu ahaan doonaa hal koob oo kaliya illaa laga gaadhayo saddexda usbuuc ee ugu dambeeya xilli-ciyaareedka, laakiin waxa jira koob kale oo aan ahayn kii asalka ahaa Premier League uu u isticmaalo ujeeddooyin kala duwan, sida dhacdooyinka xayaysiisyada iyo goobahha kale ee dhiirgelinta uu ka sameeyo Premier League.
Labadan koob ayaa waxa la kala geeyaa labada garoon ee labada kooxood ee isku dheggenaa sidii aynu kusoo aragnay labadii sannadood ee Man City iyo Liverpool iyo waliba sannadkii 2012 ee Man United iyo Man City.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, waxa uu horyaalka Premier League diyaarin doonaa xal kale oo lagaga gudbi doono caqabadda oo lagu samaynayo koob saddexaad oo aan ahayn midka asalka ah, taas oo ka dhignaanaysa in laba koob oo macmal ah iyo mid asal ah la kala geyn doono Emirates Stadium, Anfield iyo Etihad Stadium.
Kooxda ku guuleysata horyaalka Premier League haddii aanu garoonkeeda oollin koobka asalka ah, waxa lasii guddoonsiin doonaa koobka macmalka ah, dib ayaana midka asalka ah looga keeni doonaa.