Saraakiisha Manchester United ayaa “ku wareegayay Spain” iyagoo isku dayaya inay iibiyaan Mason Greenwood, sida ay wararku sheegayaan.
United ayaa la rumeysan yahay inay duldhigtay 43 milyan ginni 22 jirkaan.
Jariirada Isbaanishka ee Marca ayaa ku warameysa in United ay la kulantay Barcelona si ay uga iibiyaan Greenwood.
Greenwood waxa uu haatan amaah kula joogaa Getafe, iyadoo qandaraaska uu kula jiro Man United uu dhacayo 2025ka.
Atletico Madrid ayaa sidoo kale la sheegay in ay Barca kula xifaaltameyso Greenwood, waxaana weli suurtagal ah inuu sii joogo Getafe.
Naadi Sacuudiga ka dhisan oo aan la magacaabin ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseynayaan xiddiga Man United.
Marca ayaa sheegeysa in madaxda United ay la kulmeen Deco, agaasimaha ciyaaraha ee Barca, xiisahana uu yahay mid rasmi ah.
Greenwood ayaa la sheegay inay door bidayo u dhaqaaqista naadi ka ciyaaraya Champions League, taasoo ka dhigaysa u dhaqaaqista Sacuudi Carabiya ama Getafe mid aan macquul ahayn.
Laakin ciyaaryahanka ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu ku riyaaqay kooxdiisa uu haatan u dheelayo ee Getafe madaama ay fursad siiyeen ka dib kiiskiisii maxkamadeed.
Greenwood uma ciyaarin Manchester United tan iyo markii laga joojiyay kooxda bishii Janaayo 2022kii.